Dadweynaha degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa maanta isugu soo baxay banaanbax ay uga horjeedaan Dil maamulka G/Banaadir iyo ciidamada Booliska ka gaysteen Degmadaasi oo la sheegay in lagu dilay koox burcad ah.
Dadka ku nool Degmada Kaxda ee bannaanbax ka qeyb galay ayaa sheegay in ciidamada Booliska shalay dileen laba nin oo mid ka mid uu yahay askari ka tirsanaa ciidamada Militariga, halka ruuxa kalena uu ahaa qof shacab ah oo gaari lagala degay.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay tegay degmada Kaxda iyadoo isku sawiray halkaasi, waxayna sheegeen in koox burcad ah lagu dilay howlgal ay sameeyeen ciidamada Booliska, inkastoo dadka degaanka ay arrintaasi ka hor yimaadeen.
Dadka bannaanbaxa dhigay ayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay si degdeg baaris loogu sameeyo dhacdada dilka, iyadoo ku dooday in qofka shacabka ah ee la dilay ay si xun ciidamada Gaari ay u jiirsiiyeen.