Friday, July 11, 2025

Bannaanbax looga horjeedo maamulka G/banadir oo maalintii saddexaad ka socda Degmada Kaxda

Dadweyne degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa wada bannaanbax joogto ah oo looga horjeedo maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa degmadaasi oo lagu eedeynayo fal dil ah oo ka dhacay degmada.

Dadka bannaanbaxaya ayaa maalintii saddexaad isugu soo baxay degaanada degmada Kaxda, waxayna maamulka degmada ku eedeeyeen dilka Labo qof oo ay sheegeen si khalad ah oo bareer ah oo dilay, kadibna lagu sheegay inay ahaayeen burcad iyadoo madaxda Gobolka Banadir ay isku sawireen dilka kadib.

Waxa ay sheegeen dadkaan in ay ka dalbanayaan maamulka gobolka Banaadir in la bedelo guud ahaan maamulka degmada Kaxda, iyaguna ka shacab ahaan aanay raali ka ahayn in xubnaha ugu sarreeya maamulka sii joogaan.

Dilka ka dhacay degmada Kaxda ayay Booliska iyo maamulka G/banaadir  sheegeen in lagu qaaday koox burcad ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON