Sunday, July 13, 2025

Bannaanbax looga horjeedo Maxamed Farmaajo oo Caawa ka socda magaalada Muqdisho…

Waxaa magaalada Muqdisho Caawa ka socda bannaanbax looga horjeedo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Banaanbaxa oo ah mid xoog leh ayaa ka socda xaafadda Shiirkole ee degmada Hodan iyo aagagga u dhow, waxaana lagu taageerayaa Jen. Saadaq Joon oo ka hor yimid Muddo kordhinta Farmaajo, xaafadaasina degay.

Dadka bannaanbaxaya ayaa ku dhawaaqaya ereyo ka dhanah Maxamed Farmaajo, iyo muddo kororsiga uu sameystay, waxaana sii kordhaya dadka ka qeyb galaya Mudaaharaadka, iyadoo ay tebinayaan warbaahinta Muqdisho qaarkood.

Dadka ayaa isaga yimid xaafado kala duwan, iyagoo isugu tegay Xaafadda Shiirkole. Ereyada ay ku dhawaaqayeen waxaa ka mida “Dooni meyno Farmaajo’ ‘Dooni meyno keligii taliye’.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON