Thursday, June 26, 2025

Bannaanbax looga horjeedo Xasan Sheekh oo ka dhacay Magaalada Garowe (Dhageyso)

Bannaanbax looga horjeedo dagaalka magaalada Gaalkacyo oo lagu eedeeyay inuu wado madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe.

Bannanbaxa oo ay  ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Nugaal, waxaa hogaamiyayay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo dadkii soo banaanbaxay u sheegay in Dagaalka Magaalada Gaalkacyo ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla bannaabax-garowemarkaana uu hurinayo Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne wuxuu sheegay inaysan jirin dowlad ay reer Puntland la dhisanayaan Xamar, ayna xiriirkii kala laabteen.

Bannaanbaxa ayaa dadka ka qeyb  galay  ay ahaayeen dad aad u yar, waxaana guddoomiye Faraweyne uu maalmahan u muuqdaa nin xilkiisii goboleed meel iska dhigay oo ku hadlaya magaca wasiirada iyo maamulka Puntland.

Dhageyso

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON