Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in bannaanbax rabshado watay uu ka dhacay caasimadda Soomaaliya.
Dadka bannaanbaxa dhigay ayaa ka horjeeday dowladda India oo ay ku eedeeyeen in dhalinyaro Soomaali ah ay toogasho ku xukuntay, arrintan oo ay beeniyeen madaxda dowladda Federaalka.
Bannanabaxa ayaa ka dhacay Isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxayna dadkii isu soo baxay ay gubeen taayaro iyadoo bilaabay fowdo iyo qas keenay in ciidamada dowladda ay kala eryaan dadkii bannaanbaxa waday.
Goobta bannaanbaxa ka dhacay ayaa isu bedeshay iska hor imaad, iyadoo jidka lagu gooyay dhagxaan, waxaana la xiray ganacsigii xaafadda Miisaanka Dhuxusha.
Lama soo werin qasaare ka dhacay halkaasi, waxayna ciidamada hawada u rideen rasaas, iyadoo goobta loo diray gaadiidka dam damiska oo bakhtiiyay dab ay shideen dadkii bannaanbaxa rabshadaha watay dhigay.
Goobjooge.com