Dadweyne careysan ayaa maanta banaanbax rabshado watay ka dhigay Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid, gobolka Banaadir, kadib dil wiil dhalinyaro ah oo xalay halkaasi ka dhacay.
Dadka banaanbaxa dhigay ayaa ka horjeeday dil ay xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala halkaasi u geysteen wiil Mooto Bajaajle ahaa oo si bareer ah loo dilay, kaasoo lagu magacaabi jiray Axmed Jiley, iyadoo aan lasoo qaban askarigii dilkiisa ka danbeeyay.
Dhalinyarada iyo dadweynaha kale ee xaafada Fagax ayaa iyagoo careysan xiray isgoyska Fagax iyo Wadooyinka soo gala, waxayna gubeen taayarrada baabuurta iyagoo dhagxo ku jaray wadadda, taasoo keentay inuu istaago isu socdaka Gaadiidka.
Waxa markii danbe goobtaasi gaaray guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, isagoo dadka u sheegay inay ku daba jiraan askarigii dilka geystay, lana soo qaban doono.