Saturday, June 28, 2025

Bannaanbaxayaal careysan oo ku qamaamay safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad (Sawirro & Wararkii ugu…)

Wararka laga helayo magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa sheegaya in dadweyne bannaanbaxayaal ah oo careysan ay ku qamaameen xarunta safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad, iyagoo isku dayey inay gudaha u galaan safaaradda.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Mareykanka weerar cirka ah ku qaaday xarumaha ururka Xisbullaahiga dalka Ciraaq oo lagu dilay ku dhow 25 qof oo ka mida ciidamada kooxdaasi oo gacansaar la leh dalka Iiraan, waxaana markii la soo aasay dadkii duqeynta Mareykanka lagu dilay magaalada Baqdaad ka bilowday bannaabaxyo kumanaan dad ah ay sameynayaan.

Boqolaal bannaanbaxayaal ah oo ku dhawaaqaya ‘Ha dhaco Mareykanka” ayaa ku qamaamay Xarunta Safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad, waxaana la arkayey ciidamada amniga dib ugu sii guranaya safaaradda.

Dalka Ciraaq ayaa waxaa ka taagan caro ka dhalatay duqeyn Mareykanka ka fuliyey dalkaasi oo lagu qaaday xarumaha ururka xisbullaahi ee dalka Ciraaq, waxaana duqeyntaasi cambaareeyay dowladda Ciraaq oo sheegtay inaan la ogeysiin.

Xisbiyada Shiicada Ciraaq ayaa dalbanaya in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka Ciraaq, waxaana sii xoogeynaya dareenka Mareykan-diidka ah ee ka jira dalka Ciraaq. Xukuumadda Ciraaq ayaa u yeertay safiirka Mareykanka ee Baqdaad oo askhtako u gudbiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON