Waxaa sii kordhaya bannaanbaxyada looga horjeedo madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir, iyadoo qeybaha dadweynaha ee dibad-baxyada wada ay dalbanayaan inuu is casilo.
Waxaa bannaanbaxyada hoggaaminaya ururada shaqaalaha iyo dadka u oleelaya bulshada rayidka ee Suudaan, waxayna codsadeen inuu xilka ka dego madaxweynha isla markaasna la sameeyo dowlad kumeel gaar ah oo dalkaasi u diyaarisa doorasho.
Maanta ayaa waxa soo baxay baaq ku saabsan in bannaanbaxayaasha ay xoog ku galaan xarunta madaxtooyada ee magaalada Khartuum, waxaana halkaasi la dhigay ciidamo fara badan iyo gaadiidka dagaalka si looga hortago.
Banaanbaxyada Suudaan ayaa ku faafay magaalooyinka dalkaasi intooda badan, iyagoo sii xoogeysanaya. Madaxweyne Cumar Al Bashiir ayaa Isniintii ballanqaaday inuu isbedello dhaqaale ku sameyn doono dalkaasi.
Banannbaxyada ayaa ku bilowday sare u kaca mashiicadda dalkaasi, siiba Rootiga, waxayna isu bedeleen kuwo siyaasadeed oo looga horjeedo madaxweynaha dalkaasi Jen. Cumar Albashiir.