Wednesday, July 16, 2025

Bannaanbaxyadii Baydhaba oo sii xoogeystay iyo sawirrada Roobow oo wadooyinka la suray [Sawirro]

Wararkii ugu danbeeyay ee Xaaladda magaalada Baydhaba aya sheegaya inay sii xoogeyseen bannaabaxyada lagu taageerayo MUkhtaar Roobow Cali ee ka socda maalintii labaad magaaladaasi.

Dadweyne fara badan, ciidamo iyo maleeshiyo hubeysan oo taageersan wadaadka ayaa saaka mar kale isugu soo baxay magaalada, waxaana iska hor imaad dhex maray ciidamada booliska iyo ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay magaaladaasi.

Dadweynaha ayaa bilaabay inay sawirrada Sheekh Mukhtaar Roobow ku dhejiyaan aargada magaalada ee afar-irdoodka, iyadoo sawirkaasi uu ku baaqayo in la sii daayo Mukhtaar Roobow, waxaana wadooyinka lagu jaray dhagxaan, birro iyo taayero la gubanayo oo hareeyay magaalada oo dhan.

Saaka ayey ahayd markii magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsan Baarlamaankla Koonfur Galbeed, waxayna xaaladu halis u tahay inay faraha ka baxdo kadib markii dowladda Soomaaliya ay xirtay Mukhtaar Roobow oo ahaa musharax u taagan xilka madaxweynaha K/Galbeed.

Image may contain: 3 people
Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor
Image may contain: one or more people, people standing, sky, cloud and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON