Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku baaqaya xasilooni, kadib xasilooni darro ka dhalatay dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa guddiga Doorashada Kenya.
Bannaabaxyo culus ay dalka ka dillaacay dalka Kenya, kuwaasi oo ka dhashay dilka Christopher Msando oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa guddiga doorashada, toddobaad ka hor inta aysan dhicin doorashada.
Dibadbaxayaasha ayaa tegay xafiiska guddiga doorashada ayaga oo caddaalad u dalbaya Christopher Msando. Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda rayidka ayaa sheegaya in dilka Christopher Msando oo yimid waxyar ka hor un doorasho sidan muhiim u ah uusan ahayn wax si kam ah u dhacay.
“Dalka Kenya waxaa ka jira dhaqan ah saraakiil sare oo dhinta, la waayo ama si ula kac ah loo dilo, taasi oo xasilooni darro ku keeneysa doorashada” waxaa sidaas yiri John Githongo oo u dhaqaaqa xuquuqda rayidka.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya, Wafula Chebukati ayaa sheegay inuu ammaan dheeri ah siin doono shaqaalaha guddiga doorashada, wuxuuna ballanqaaday in doorashadu noqon doonto mid sax ah.
Xisbiga ugu weyn mucaaradka Kenya ayaa madaxweyne Kenyatta ku eedeynaya inuu isku dayayo inuu ku shubto doorashada, eedeymahaas oo uu beeniyey.