Wednesday, June 25, 2025

Bannaanbaxyo looga horjeedo dowladda Federaalka oo ka Beledweyne iyo Jowhar [Qalalaase ka dhacay]

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda Federaalka ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne.

Bannaanbaxa oo ay abaabuleen maamulka Hirshabeelle madaxda labada gobol ayaa lagu cambaareeyay hadallo kasoo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federalka oo ku saabsan cidda ay hoos tagaan degaanada Ceelmacaan iyo Cisaley iyo diyaaradihii Qaadka ee laga joojiyay Jowhar.

Bannaanbaxa Jowhar waxaa ka hadlay guddoomiyaha Gobolka SH/dhexe iyo wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay caddow ku tahay horumarka maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale boqolaal dadweyne ayaa isu soo baxay magaalada Baladweyne, gaar ahaan xaruntii hore ee Darwiishta, kuwaasi oo ka soo horjeestay go,aanka ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Soomaliya.

Qalalaase ayaa la soo weriyay inuu ka dhacay kadib markii ciidamo qas wadayaal maamulku ku tilmaamay ay rasaas fureen taasoo khalkhal abuurtay. Wararka qaar ayaa sheegaya in saddex qof dhaawac soo gaaray.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON