Bannaanbaxyo waaweyn ayaa ka socda magaalooyinka Mareykanka, kuwasoo inta badna lagu taageerayo Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden, iyadoo qaarkoodna ay dhigayaan Madaxweynaha laga adkaaday ee Donadl Trump.
Magaalada Washingtion, gaar ahaan Aqalka cad waxaa isugu tegay kumanaan qof oo u dabaaldegaya guusha Madaxweynaha la doortay Joe Biden, waxaana dabaaldgeyadu ka socdaan dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka oo dhan.
Dhinaca kale taageerayaasha Madaxweynaha looga adkaaday doorashada ee Trump ayaa bannaanbaxyo ka wada magaalooyin kala duwan oo ay ugu weyn tahay xarunta Pennsylvania oo ah goobta guusha musharaxa Joe Biden.
Donald Trump ayaa ka tegay Aqalka Cad daqiiqado ka hor inta aan lagu dhawaaqin guusha Biden, wuxuuna aaday xarunta uu ciyaarta Golf-ka u tago ee Virgina, isagoo diiday inuu qirto in laga guuleystay, wuxuuna ku adkeystay inuu sharci ahaan isagu guuleystay oo uu maxkamad la aadi doono natiijooyinka Doorashada kasoo baxay.
Madaxweynaha la doortay ayaa lagu wadaa inuu xilli danbe ee xilliga Mareykanka uu la hadlo shacabka Mareykanka, isagoo guusha doorashada ku dhawaaqi doona, waxaana socda hambalyada madaxda caalamka u dirayaan Joe Biden.
