Saturday, April 20, 2024

Mahdi Guuleed: “Farmaajo waa madaxa iyo Astaanta Qaranka, Cabdi Xaashina waa hoggaamiye Mucaarad ah..”

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Guuleed ayaa sheegay in guddoomiyaha Aqalka Sare uu yahay hoggaamiye Mucaarad ah oo ka hor yimid inay dalka ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah.

Wuxuu caddeeyay inuusan ogeyn khilaaf kala dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu sheegay inuu yahay Astaanta Qaranka, Midnimada Dalka iyo hoggaamiyaha, halka Cabd Xaashi uu noqdo hoggaamiye mucaarad ah.

“Dhowrkii sano ee u dambeysa Cabdi Xaashi wuxuu ahaa Hoggaamiye mucaarad ah, wuxuuna wiiqay awooddii sharci dejinta, waayo sharci dejinta waa Baarlamaan labo aqal ka kooban aqalka sare muddo ma aanay fariisan, qeyla dhaantooda waa ogeyd, hadda waxaa jira aqal sare oo aan muddo fariisan” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo wareysi siiyay Horfadhi Media.

Ad

Mahdi Guuleed oo si weyn ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa la wareegay soo xulista Guddiyada kasoo jeeda Somaliland, isagoo hadda u muuqda inuu dagaal siyaasadeed kula jiro Cabdi Xaashi C/llaahi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON