Bannaanbixii darawallada Bajaajleyda Muqdisho ayaa ka sii daray kadib markii ciidamo ilaalo mas’uul ka tirsan dowladda ay dileen darawal.
Bannanbaxayaasha oo markii hore dalbanayay in wax laga qabto cabasho ay ka muujiyeen jidadka laga mamnucay Bajaajta ayaa kadib isugu bedelay mid xoog leh oo lagu dalbanayo cadaalad dilka loo geystay xubin ka mida darawallada Bajaajta.
Bannaanbaxa ayaa hareeyay wadooyin dhowr ah, waxaana ay bajaajleyda oo careysan xireen wadooyinka iyagoo u doodaya saaxiibkood la dilay, waxayna sheegeen in jawaabta dowladda ee cabashadooda ay noqotay dil.
Xaaladda ayaa kacsan iyadoo Bajaajleyda ay ku qanci waayeen balanqaad uu u sameeyay maamulka Gobolka Banaadir.
Goobjooge
Massive demo along #Mogadishu‘s #KM4 roundabout after z killing of a rickshaw driver by gov’t forces. Locals are demanding justice #Somalia pic.twitter.com/GgjIkw8MFE
— Abdulaziz Billow Ali (@AbdulBillowAli) August 7, 2017