Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay inaysan wax dood ah ka taagneyn in haweenka ay ka wanaagsan yihiin ragga.
Isagoo ka hadlayey xaflad looga hadlay hoggaanka dunida oo ka socota dalka Singapore ayaa sheegay in haweenka aysan ahayn dad dhammeystiran, balse aan laga doodi karin inay ka wanaagsan yihiin ragga, iyadoo haddii ay dunida oo dhan haween maamuli lahaayeen laga dareemi lahaa horumar dhinaca nolosha iyo dhinac kasta leh.
Obama oo laba xilli oo 8 sano ah soo maamulay dalka Mareykanka ayaa ku dooday in dhibaatada ka taagan dunida ay ka timid ragga waaweyn ee madaxda ah, heystana awoodda dalalka dunida.
“Waxaan kalsooni weyn ku qabaa haddii muddo laba sano ah haddii dal kasta oo dunida ku yaalla ay haween hoggaamin lahaayeen, waxaad arki lahayd in horumar laga gaaro dhinac kasta.. heerka nolosha iyo natiijada..” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.
Reer Galbeedka iyo siyaasiyiinta muslimiinta ee nidaamkooda la dhacsan ayaa haweenka ka dhigtay arrin ay ku ololeeyaan ama u doodaan xuquuqdooda.