Friday, June 27, 2025

Baraha Bulshada Facebook, WhatsApp iyo Instagram oo hawada ka baxay iyo War laga soo saaray

Mareegaha Baraha bulshada ee waaweyn sida: Facebook, Instagram iyo WhatsApp ayaa hawada ka baxay oo shaqeyn waayey inta badan dunida, kadib cilad soo wajahday.

Shirkadda ayaa qoraal ay kusoo qortay Boggeeda Twitter-ka ku sheegtay inay ka la socoto, kana warqabto in barteeda Facebook iyo kuwa kale ee hoos taga sida WhatsApp iyo Istagram ay soo wajaday dhibaato ay kala kulmeen dadkii adeegsan lahaa, isla markaana ay ka shaqeyneyso sidii dib loogu soo celin lahaa adeeggaasi.

Shirkadu ma sheegin sababta keentay cilladda, oo bilaabatay qiyaastii 11:45 Xilliga Bariga (18:45 xilliga Muqdisho). Waxaa mar kaliya hawada ka baxay baraha Facebook oo la awoodi waayey in la adeegsado.

Dadka adeegsada ayaa soo sheegay inaysan awoodin inay Facebook -ga ka galaan magaalootyinka Mareykanka sida California, New York, Qaaradda Yurub iyo sidoo kale Afrika iyo Aasiya.

Ciladdan ayaa lagu tilmaamay tii ugu weyneyd ee mar kaliya ku habsata Barta Facebook iyo shirkadihiisa iyadoo Saamiga shirkadda Facebook uu hoos u dhacday 5% Suuqyada caalamiga ah, waxaana wararka qaar sheegayaan in arrintan ay ku lug leedahay weerar burcadda Internet-ka ah.

Maamulka Facebook ayaa xilligan maraya dhibaato weyn oo ka dhalatay qof u shaqeynayey oo dokumentiyo sir ah la wadaagay Wargeyska The Wall Street Journal, taasoo lagu kashifay inay iyadoo og iska dhega tirto qoraallada iyo muuqaaladda sharcigeeda ka horjeeda, taasoo loo yeelo dano u gaara dartood.

Farriimo taxane ah madaxda Shirkadda Cloudflare John Graham-Cumming soo dhigay Twitterka ayuu k usheegay in dhibaatadu ay u badan tahay Keydiyaha (Hosting-ka) Facebook, oo aan u oggolaanayn dadka inay ku xirmaan, saameynna ku yeeshay baraha Instagram iyo WhatsApp.

Facebook ayaa dib u soo laabtay ku dhowaad 6 saacadood kadib markii uu hawada ka maqnaa, iyadoo si tartiib ah uu dib ugu soo laabtay, waxaana War kasoo baxay Shirkadda Facebook lagu sheegay inay dib u soo celiyaan adeegii Facebook, ayna ka cudurdaaranayaan ciladii qabsatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON