Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Roobley, ayaa caawa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, oo booqasho rasmi ah uu ku tegay.
Wafdiga Rooble Waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Doha ku soo dhoweeyay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qatar Jassim bin Saif Al-Sulaiti, Danjiraha Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem, iyo Mudane Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Qatar Abdul Razzaq Farah Ali.
Waxaa kaloo hore ugu sugnaa dalka Qatar Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed C/risaaq oo u sii gogol xaarayey socdaalka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Socdaalka Rooble ee dalka Qatar ayaa yimid xilli xasaasi ah oo khilaaf uu ka dhaxeeyo Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta iyo madaxweynaha xilligiisu dhammaaday, isla markaana ay dalka ka socdaan Doorashooyinka Federaalka.

