Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyey in la iibiyo xaruntooda magaalada Garowe oo Guddoonka Golahaasi uu sheegay inaan lagu shaqeyn karin xaalad amni darteed.
Xaruntan la iibinayo ee Baarlamanka Puntland ayaa kasoo horjeedda Xaruntii hore ee Madaxtooyada Garoowe, waxayna dhexda u gashay xarumo ganacsi iyo guryo degaan shacab ah, taasoo keenay inay xildhibanaada ka welwelaan amnigooda, iyago doonaya xarun ka baxsan ciriiriga magaalada.
Qoraalka iibinta Xarunta Golaha Baarlamanka waxaa markii cod loo qaaday taageeray 31 mudane, 6 kale ayaa diiday, halka ay ka aamiseen 4 mudane, waxaana sidaasi lagu ansixiyey iibinta xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe.

Fadhiga Baarlamaanka iyo codka loo qaaday ayaa loo diiday inay tebiyaan saxaafadda, waxaana dood ka dhalatay qaabka loo iibiyo xaruntan oo ah hanti dowladeed iyo in loo maray sidii sharciga ahaa.