Shirkadda caanka ah ee Baraha bulshada TikTok ayaa shaacisay inay dacwa kusoo oogeyso Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo maamulkiisa oo hore u soo saaray amar lagu xirayo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda leh TikTok ayaa lagu yiri: “Si loo hubiyo in aan sharciga la baalmarin, iyo in shirkaddeena iyo macaamiisheena loola dhaqmo si caddaalad ah, ma lihin ikhtiyaar aan ka ahayn in aan ka doodno amarka fulinta iyada oo loo marayo nidaamka garsoorka,” . sidoo kale ByteDance ayaa iyana qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dacwadda ay gudbin doonaan maalinta berri ee Isniinta ah.
Madaxweyne Donald Trump waxa uu 6-dii Ogost saxiixay Amar fulin ah oo lagu siiyay dadka Mareykanka ah 45 maalmood in ay ku joojiyaan in ay ganacsi la yeeshaan shirkadda BayteDance ee Shiinaha taasi oo iska leh app-ka TikTok.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa shirkadda TikTok ku eedeysay in uu khatar ku yahay amniga qaranka Mareykanka, taasoo qeyb ka ah dagaalka dhaqaale ee u dhaxeeya dalalka Shiinaha iyo Mareykanka.