Mid ka mida laba basaas oo lagu eedeeyay inay u shaqeynayeen dalka Imaaradka Carabta oo bishan horaanteedii lagu qabtay magaalada Istanbul ayaa laga helay xabsigii uu ku jiray isagoo meyd ah.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta Imaaraadka mid ka mida labadii basaas ee Imaaraadka ayaa isku dhex dilay xabsiga Silivri ee magaalada Istanbul markii uu isku dhex daldalay musqusha lagu qubeysto, waxaana socda baaritaanka falkan uu ku kacay maxbuuska loo heystay basaasnimada oo asalkiisu u dhashay Falastiin laguna magacaabo Zaki Hassan.
Meydka ninkan ku eedeysan inuu basaas u ahaa Imaaraadka ayaa waxaa arkay ilaalada Xabsiga markii ay damceen inay raashin u geeyaan, waxaana ninkan iyo mid kale oo isna u xiran Turkiga loo heystaa inay Imaaraadka u basaasayeen dadka carabta ah ee Turkiga ku sugan, waxaana lagu tuhunsan yahay inay lug ku leeyihiin dilkii saxafigii Sacuudiga ee Kamal Kashoqgi oo Oktoobar sanadkii hore lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.