Tuesday, June 24, 2025

Baxaari Ajnabi ah oo lagu qabtay Xeebta magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay xeebta magaaladaasi yimaadeen 5 nin oo ajnabi ah kuwaasoo la socday Dooniku degtay xeebaha Badweynta Hindiya.

Waxaa la sheegay inay yihiin rag baxaari ah oo Markab la degay, waxaaana soo gaaray dhaawacyo, iyadoo  la dhigay Isbitaalka Magaalada Kismaayo oo lagu  daweynayo, sida ay  sheegeen saraakiisha ammaanka iyo kuwa caafimaadka maamulka Jubba.

Wararka ayaa sheegay in raggan baxaarida ah ay ku hadlayaan luuqda Faransiiska ayna u dhasheen Jasiiradaha Comoros.

 

Saraakiisha Booliska Magaalada Kismaayo ee raggan gacanta ku haya ayaa sheegay in xaaladooda caafimaad aysan wanaagsaneyn. Saraakiisha ciidamada Booliska waxa ay sheegeen inay wadaan baaritaanka ku aadan waxa ka jira dhalashada raggaan ay sheeganayaan iyo inay yihii Badmaaxiin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON