Sunday, July 13, 2025

Bayaankii Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta ee Cammaan oo Soomaaliya lagu bah-dilay [Akhriso Qodobkii Soomaaliya]

Bayaankii laga soo saaray shirkii Jaamacada Carabta ayaa noqday kii ugu xumaa ee Arrimaha Soomaaliya laga soo saaro muddooyinkan.

Bayaanka Cammaan ee kasoo baxay shir madaxeedkii Dalalka Carabta ee 29-kii Maarso ka dhacay dalka Jordan ayaa waxaa ka soo baxay qoddobo ka kooban 15 qodob, iyadoo Soomaaliya lagu soo qaatay qodobka 11-aad, laguna sheegay hal jumlad oo qura.

Bayaanka Cammaan ee Jaamacadda Carabta waxay qoddobadda laga soo saaray u kala horeeyeen sida soo socota:

1 – Arrinta Falastiin

2 – Xaaladda Suuriya

3 – Arrinta Ciraaq

4 – Xaaladda Yeman

5 – Xaaladda Liibiya

6 – Mowqifka Argagixisada

7 – Islaam-naceybka dunida

8 – Deris wanaagga xiriirka dalalka deriska

9 – Jasiiradaha Imaaraadka ee Iiraan heysato

10 – Xaalada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeedinaya shir madaxeedkii Jaamacada Carabta

Wuxuu bayaankan soo baxay iyadoo Soomaaliya kala bar ay dadkeedu qarka u saaran yihiin gaajo, isla markaana madaxweynaha Soomaaliya ee shirka ka qeyb galay uu dalbaday gargaar.

Arrintan waxay su’aal kale dul saareysaa carabnimada Soomaaliya ee muranku ka taagnaa iyo faa’iidada ka sii mid ahaanshaha ururkan oo aanu liiska ugu jirin dalkan Geeska Afrika ku yaala ee dunida ka haray.

Madaxweyne cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo oo markii ugu horeysay ka qeybgalay shirkan wuxuu khudbadiisa ku jeediyay Luqada Ingiriiska, taasoo sii caddeyneysa farrqiga u dhaxeeya dalalka Carabta iyo Soomaaliya.

HOOS KA AKHIRSO JUMLADII SOOMAALIYA LAGA QORAY

BAYAANKA OO DHAN HALKAN K AKHRISO

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON