Friday, June 27, 2025

Beelaha Harti ee Somaliland oo ka hor yimid Go’aanadii Guddoomiya Jawaari [Akhri Qoraal]

Siyaasiyiin iyo waxgarada ka soo jeeda Beesha Harti ee degta Somaliland ayaa soo saaray qoraal ay diideen go’aano uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo ku saabsan Doorashada Somaliland.

HOOS KA AKHRI QORAALKA

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 19.11.2016 shir isugu yimid Garaado, cuqaal, xildhibaanno, aqoonyahan, ganacsato iyo wakiillo ka socda ururada bulshada Harti Woqooyi oo ku sugan magaala madaxda Muqdisho. Waxay ka tashadeen sidii ay uga hortigilahhayeen gabood fal iyo duudsi uu kula kacay guddoomiyihii hore xildhibaan Maxamed Cisman Jawaari; isagoo si cad oo been abuur ah u’ Dir Waqooyi ugu wareejiyey 3 xubnood ee Aqalka Sare ee Madashu noo qoondaysay.

Sida la wada ogyahay waxay Madasha Qaranku u qoondaysey gobollada woqooyi ee dalka 11 xubnood oo u metala Aqalka Sare.  Waxaa kale oo Madashu isku raacday in doorashada Barlamaanka  beelaha deggan Somaliland ay yeelato hannaan u gaar ah isla markaana waxay Madashu u qoondaysay degaannada Sool, Bariga Sanaag iyo  degmada Buhoodle saddex kursi sida ku cad war-murtiyeedka shirkii  Madasha Hoggaanka Qarnka ee 2-9 August 2016.

AKHRISO: Heshiis laga gaaray qaabka loo dooranayo xildhibaanada Somaliland [Qoraal rasmi ah]

Iyadaoo la isu diyaarinayo hirgelinta hannaanka doorashooyinka u  gaarka ah Gobollada waqooyi, ayaa Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Federaalka waxaa ka soo baxay qoraal uu ku tilmaamay hab-raac doorashada Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi laakiin uu ku soo saaray go’aammo uu keli ku yahay oo aan Madashu la qabin, sida ay qoraal iyo Afba ugu caddeeyeen Xubnihii Madashu dhammaantood. Sidaa darteed Beelaha dega gobollada Sool, Sanag Bari iyo degmada Buhoodle, waxay si buuxda  uga soo horjeedaan go’aamadaas sababaha soo socda awgood.

  1. Guddoomiyihii ee Barlamaanku wuxu si cad meesha uga saaray qoondadii degaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle in ay xubno ku yeeshaan Aqalka Sare sida ka muuqata dhismaha Guddiga Fulinta, iyo habraaca doorashada Aqalka Sare oo uu ku saleeyey 4.5 isaga oo si cad u’ baalmaray in xubnaha Aqalka Sare lagu saleeyo maamul goboleedyo.
  2. Guddoomiyaha Barlamaanku wuxu 10kii bishan Nofember magcaabay  7 xubnood guddiga Fulinta doorashooyinka dadban ee 2016 oo beel keliya ah wuxuna si cad uga reebay gobolka Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle.
  3. Guddoomiyihii Baarlamaanku wuxu duubabka soo dooranaya ergooyinka doorashada ku koobay beel keli ah isaga oo si cad uga reebay saxiixayaasha ka soo jeeda Sool, Bariga Sanaag  iyo Buuhoodle oo qaarkood joogaan magaalada.
  4. Guddoomiyuhu wuxuu si cad u baalmaray heshiiskii ahaa in Aqalka sare loo qaybsaday Maamulo iyo Degaan, isagoo u dhigay in beel gaar ahi qaadato iyo in uu ka tegey beelihii Harti woqooyi oo kala bar dega Gobollada Woqooyiga.

Nooma suura-gelin guddomiye Maxamed Cisman Jawaari kala hadalno arrimahan isaga oo sidii caadadiisa ahayd,  dalka ka  dhoofay markuu go’aankan beenta ah soo saaray kuna faafiyey website-yada

Maadaama Guddoomiyahu  ka tallaabsaday sharciyaddii habraaca oo ay ahayd waxkastoo laga beddelayo heshiiska in ay madashu u wada dhan tahay, uuna si cad u marin habaabiyey Hannaankii doorashada , waxanu Madasha  Hoggaanka Qaranka, Guddiga Doorashooyinka iyo Beesha caalamkaba ka cosaneynaa iney noo diyaariyaan sidii aannu u dooran lahayn 3dii Kursi ee loo qoondeeyey degaannada Sool, Sanaag Bari iyo Degmada Buuhoodle.

WA BILLAAHI TOWFIIQ

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON