Monday, July 14, 2025

Beesha Baadi-cadde oo kalsoonidii kala noqotay Madaxweynaha & Maamulka Hirshabeelle [Akhriso]

Beesha Baadicadde ayaa shaacisay inay xiriirka u jartay, isla markaana ay kalsoonidii kala noqotay maamulka Hirshabeelle iyo madaxweynaha maamulkaasi.

Shirweyne wadatashi ah oo beeshaasi isugu timid ayaa waxaa ka soo qeyb galay siyaasiyiinta, aqoonyahanada, ganacsatada, dhalinyarada, haweenka iyo qurbajoogta, waxaan laga soo saaray go’aannadii ay ka mid yihiin:

  1. Inaysan suurgeli karin in shacabka Hiiraan ay raalli ka noqdaan sedbursi, cadaalad darro iyo iska horkeenid.
  2. Waxaan ka digeynaa in dagaallo sokeeye ka dilaacaan gobolka Hiiraan oo mas’uul ka yahay madaxwynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo maamulkiisa.
  3. Waxaa ugu baaqeynaa dhammaan beelaha deegaanka Hirshabeelle ay qaataan go’aan mideysan oo ka dhan ah dhaqamadan ka soo horjeeda rabitaanka iyo nabadda Hirshabeelle.
  4. In xubnaha baarlamaanka Hirshabeelle qaataan kaalintooda la xisaabtanka, ayna hor istaagaan dhaqamada wax u dhimaya xasiloonida Hirshabeelle.
  5. Dowladda federaalka ah, shacabka Hirshabeelle iyo beesha caalamka waxaan ku wargelineynaa in Cali Cabdullahi Cosoble mas’uuliyadeeda qaadi doono haddii uu dhiig ku daato maamulada qaldan ee Hiiraan ka magacaabay.
  6. Beeshu waxaa ay joojineysaa dhammaan wixii wada shaqeyn ah oo ay la laheyd maamulka Hirshabeelle inta laga xalinaayo tabashooyinka beesha.

Beesha Baadi Cadde, waxaa ay ka soo horjeedaan magacaabista madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble uu ku magacaabay guddoomiyeyaalsha degmooyinka  gobolka Hiiraan iyo sameynta deegaannada cusub.

Kulanka beesha waxaa goobjoog ka ahaa: Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Xildhibaan Khalif Cabdi Cumar, Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene, Xildhibaan Faadumo Faarax Ibrahim(Qamar) iyo Wasiirrada iyo Xildhibaannada Beeshaasi ee ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

IMG_20170804_115938    IMG_20170804_120221  IMG_20170804_120229                IMG_20170804_122432

SourceGoobjoog

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON