Thursday, June 26, 2025

Beesha caalamka oo cambaareyntii ugu adkeyd u jeedisay dowladda Soomaaliya [War-saxaafadeed]

Beesha caalamka ayaa cambaareyn u jeedisay dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay xadgudubyo ay kula kacdo saxafiyiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

HOOS AKHRI WAR-SAXAAFADEED KA SOO BAXAY 


Dawladda Maraykanka, Hay’adda Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo waddamo kale ayaa ugu baaqay dawladda Soomaaliya inay ilaaliso xuquuqaha caalamiga ah ee xorriyadda hadalka sida uu qeexayo dastuurka Soomaaliya, waxayna ka dalbadeen dawladda inay degdeg u baadho isla markaana sharciga ula tiigsato dadka ku xadgudba xorriyadda hadalka ama halis u gaysta dadka ka shaqeeya.

Maraykanka, waddamada kale iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa sheegay in xaqa xorriyadda hadalka ay muhiim u tahay shacabka Soomaaliyeed si loola xisaabtamo saraakiisha dawladda, dadweynahana ay xiriir ula yeeshaan.

Waxay sheegeen in tallaabadani muhiim tahay gaar ahaan xilligan oo in ka badan 14 kun oo ergo ay ku kulmayaan goobo ka mid ah waddanka si ay usoo doortaan xubnaha baarlamaanka.

Waxay sheegeen in Soomaaliya sanadkan ay ku dhinteen ugu yaraan shan saxafi, 16 kalena lagu xidhay. Waxay ku eedeeyeen dawladda inaan sida badan wax baadhitaan ah lagu samaynin xadgudubyadaasi iyo sida dadkii ka dambeeyey sharciga loola tiigsan lahaa. Waxay sheegeen in bishan Oktoobar keliya la xidhay lix saxafi.

Beesha caalamku waxay cambaaraysay hagardaamada iyo xadgudubada kale ee lagula kaco shaqaalaha warbaahinta ee Soomaalida ah, waxayna sheegeen inay sidoo kale aad uga walaacsan yihiin ficillo sii kordhaya oo lagu cabburinayo xorriyadda hadalka – haddii ay tahay dhinaca warbaahinta, isku imaatinka iyo xaqa ay musharrixinta ay u leeyihiin inay ololayaal samaystaan.

Beesha caalamku waxay sheegeen inay soo socotay faragelin lagu samaynayay dhaqdhaqaaqayada siyaasadeed muddo bilo ah, waxayna sii xoogaysatay ayey sheegeen markii 9-kii July ay warqad kasoo baxday Wasaaradda Amniga Gudaha oo lagu mamnuucayey in huteellada Muqdishu lagu qabsado shirar iyadoo aan marka hore oggolaansho laga helin Wasaaradda.

Waxay sheegeen in hay’adda sirdoonka ee NISA ay kala eriday shirar iyo isku soo baxyo ka dhacay Muqdishu. Waxay sidoo kale sheegeen in saraakiisha garoonka ay si ku meelgaadh ah garoonka uga mamnuuceen saxaafadda, waxayna intaas ku dareen in inkastoo saraakiisha dawladda ay sabab ka dhigeen arrimo dhinaca amniga ah haddana in tallaabooyinkan ay saameeyeen oo keliya dhaqdhaqaaqayada dadka mucaaradka ah.

Ugu dambayn waxay ugu baaqeen mas’uuliyiinta Soomaalida inay u oggolaadana muwaadiniinta Soomaalida ah inay ka faa’iidaystaan xuquuqdooda hadalka iyo is-abaabulka, iyo inay dawladdu qaaddo tallaabooyin degdeg ah oo lagu sugayo amniga iyo xuququda suxufiyiinta Soomaalida, iyo xaqiijinta in usbuucayada soo socda la abuuro jawi oggolaanayo in dadweynahu ka qayb qaataan hannaanka siyaasadeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON