Wednesday, July 2, 2025

Beesha Caalamka oo Madaxda Somalia ka dalbatay inay heshiis ka gaaraan 5 Qodob oo xasaasi ah

Wakiilada Beesha Caalamka ee Arrimaha Soomaaliya ayaa soo dhoweysay kulankii muhiimka ahaa ee ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Dowlad Xubnaha ka ah Federaalka (DXF) ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka oo uu faafiyey Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu sheegay in shirkaasi uu ahaa dib u billaabashadii aadka looga dhursugayay ee wadashaqeyn wax ku ool ah oo dhexmarta madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedayda.

 “Saaxiibadu waxay soo dhoweynayaan go’aanka ay madaxdu ku gaartay inay magacaabaan guddi farsamo oo ka soo shaqeeya hababka/hanaanka doorasho ee doorashooyinka qaran ee 2020..” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Guddiga wadajirka ah ayey Beessha Caalamka sheegtay in laga rabo inuu ka shaqeeyo sidii loo gaari lahaa helitaanka heshiis ballaaran oo dhex mara saamilleyda Soomaaliyeed. Waxayna Saaxiibadu mar kale ku celiyeen inay lagama maarmaan tahay in geeddi socodka doorashadu uu dalka ka saaro hanaanka soo xulidda, kuna hago waddo lagu gaaro doorashooin toos ah, sida uu xeerinayo Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah.

Waxay Beesha ugu baaqday dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed inay si degdeg ah u sii wadaan dadaalladooda si loo gaaro ujeeddooyinkan, dalkana lagu hayo wadiiqo siyaasadeed oo xasilloon, oo ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed.     

Qoraalka Beesha Caalamka wuxuu madaxda Soomaaliyeed ku booriyey inay ku heshiiyaan qorshe lagu hirgeliyo dhinacyada kale ee dib u habaynta dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin:

1- Dib u eegidda Dastuurka

2-Yagleelidda dimuqraadiyad xisbiyo badan leh

3- Abuuridda Guddiga Adeegga Garsoorka oo shaqeeya

4- Dhismaha Guddiga Xuquuqul Insaanka

5 Iyo Maxkamadda Dastuuriga.

Beesha Caalamka waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqayaan baahida loo qabo in la xaqiijyo in murashaxiinta, xisbiyada, haweenka, dhallinyarada, beelaha laga tirada badan yahay iyo warbaahinta dalkoo dhan ay u hadli karaan si xor ah, gaar ahaan inta lagu gudajiro xilliga doorashada.

The international partners

*Beesha Caalamka waxaa ka mida: Belgium, Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Mareykanka, Faransiiska, Ireland, Itoobiya, Jabuuti, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Masar, Netherlands, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Talyaaniga, Turkiga, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON