Wednesday, June 25, 2025

Beesha Caalamka oo mowqif la yaab leh ka qaadatay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug

War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Galmudug iyo mooshinkii xilka looga qaaday C/kariin Guuleed.

Qoraal ay soo saareen wakiilada beesha caalamka ayaa mowqif dhexdhexaad ah ka istaagay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, waxayna ku baaqeen in xal loo helo xiisadda, isla markaana aanay arrintaasi keenin iska hor imaad.

Saaxiibada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden ayaa war saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin khilaafka u dhaxeeya xubnaha xildhibaanada iyo Madaxweynaha Galmudug.

Beesha Caalamka waxay Madaxda Maamulka Galmudug ugu baaqday in ay xaliyaan khilaafaadka qarxay horraantii toddobaadkan, sidoo kalena ay wada hadal hoose ku dhameeyaan mad madowga jira.

Beesha Caalamka waxay kaloo ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso ee Galmudug, shacabka, Ciidamada ammaanka in ay bilaabaan falkasta oo lagu joojin karo colaada, sidoo kalena looga hortagi karo rabashadaha.

“Muranka hada ka jira Galmudug ee u dhaxeeya xubnaha xildhibaanda iyo Madaxweynaha, waa muhiim in si dhaqsi leh loo dhameeyo, si aysan u abuurin xaalad amni daro ah” Ayaa lagu yiri warka Qoraalka ah ee ka soo baxay Beesha Caalamka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO ENGLISH AH


INTERNATIONAL COMMUNITY EXPRESSES CONCERN OVER DEVELOPMENTS IN GALMUDUG

The United Nations, African Union, European Union, Inter-Governmental Authority on Development, Ethiopia, Italy, Sweden, the United Kingdom, and the United States are concerned about the unfolding dispute within the Galmudug regional assembly and between members of the assembly and President Abdikarim Guled.

The dispute, which has led to a vote to remove the President from office, with the President and the Speaker of the assembly rejecting the vote as illegal, is potentially destabilizing.

The international partners call on all the stakeholders in Galmudug, in particular members of the regional assembly, the Speaker of the assembly and the President, to resolve the underlying issues through dialogue and refrain from resorting to any acts of violence.

The international partners call on all Somalis, including the security forces, to now focus on consolidating and building on the gains from the electoral and state-building processes and make every effort to avoid actions that could undermine the progress that is unfolding in the country.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON