Qoraal ka soo baxay Beesha caalamka ayaa si cad loogu sheegay in shaki weyn geli doono haddii aan tallaabo laga qaadin xildhibaanada sharci darrada ku soo baxay ee ku jira liiska xildhibaanada.
Qoraalka oo wakiilka Q/Midoobay Micheal Keating ayaa si kulul ula hadlay madaxa Madasha Qaran, waxaana digniin cad loogu diray madaxda Soomaalida in haddii aanay tallaabo ka qaadin xubnaha kuraastooda la laalay iyo kuwa falalka awooda iyo musuqa ku soo galay Baarlamaanka ay baarlamaanka cusub ka dhigi doono mid sharcinimadiisa shaki gelisa, isla markaana mugdi gelin doonta guud ahaan nidaamka doorashada.
Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay heshay cabashooyin badan oo aan wax jawaab ah laga helin Guddiga xalinta khilaafaadka, ayna jiro warbixin la’aan ku saabsan go’aanka ay Guddiga ku laaleen kuraasta qaarkeed.
“Hufnaanta, isla xisaabtanka iyo waxgalnimada Guddiga dartoodBeesha caalamka waxay ugu yeereysaa Guddiga xalinta khilaafaadka Doorashada inuu soo bandhigo cabashooyinka, sidii go’aanka looga gaaray. Waxaan kaloo ugu baaqeynaa Madasha Qaran ee dhistay Guddiga inay qaadato mas’uuliyadeeda ilaalinta sharciyadda nidaamka doorashada ayna la shaqeyso guddiga si loo hubiyo in go’aan ka qaadashada kiisaska xadgudubka ah ee doorashada ka dhacay..” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.
Beesha caalamka ayaa si cad u sheegtay qoraalka haddii Madasha Qaran ku fashilanto inay tallaabo ka qaadaan falalka xadgudubka ah ee ka dhacay doorashada inay dhaawac gaarsiin doonto dowladda ka soo baxda Baarlamaanka sidaasi lagu doortay, ayna saameyn ku yeelan doonto xiriirka caalamku la yeelanayo dowladdaasi.
Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in ogolaanshaha madaxda Madasha Qaran ay ogolaadaan inaan lala xisaabtanim dadkii sida sharci darrada ah ku soo galay baarlamaanka ay sawir xun ka bixin doonto madaxda Madasha iyo natiijada doorashooyinka 2020.
Goobjooge.com