Tuesday, July 1, 2025

Beesha Caalamka oo taageertay Dib u habeynta ciidamada & Ra’iisal wasaare Kheyre [Akhriso]

Bayaan kasoo baxay beesha Caalamka ayaa lagu taageeray Dib u habeynta ciidamada Amniga ee ay dowladda Soomaliya wado oo Ra’iisal wasaare Kheyre uu ku wargeliyey wakiilada Beesha Caalamka.

Qoraal ay wadajir u soo saareen Q/Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Mareykanka ayay ku soo dhoweeyeen qorshaha dib u habeynta Ciidamada Soomaaliya oo ka qeyb qaadan karta horumarinta Nabadgelyada.

“Waxaan ku dhiirigelineynaa sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay dhaqan gelinta dib u habeynta amniga. dhaqaalaha iyo Siyaasaddda, waxaana hoosta ka xariiqeynaa inaan taageersanahay howshan..” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay beesha caalamka ee taageerta Soomaaliya.

Waxay kaloo qoraalka lagu sheegay inay faahfaahin dheeraad ah ka sugayaan dowladda Soomaaliya shirka Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta dunida ee April ka dhici doona magaalada Washington, taasoo qeyb ka ah qorsha Soomaaliya Amniga ugala wareegeyso AMISOM.

Beesha caalamka taageeradeeda dib u habeynta iyo diiwaangelinta ciidamada ka sokow waxay dhinacyada kale ee taageerada Soomaaliya ugu baaqday inay u midoobaan qorshe mideysan oo lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON