Friday, June 27, 2025

Beesha Caalamka oo War culus kasoo saartay Qoondada Haweenka ee aqalka sare [War-saxaafadeed]

War ay soo saareen wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya ayaa lagu bogaaday tallaabadii uu qaaday Guddiga Doorashooyinka Dadban oo dib ugu celiyay saddex maamul goboleed inay fuliyana Qoondadda Haweenka.

Bayaanka ka soo baxay Beesha Caalamka waxaa lagu bogaadiyay maamulka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan oo laba kursi oo kamida 8-da kursi ee Aqalka sare haween kaliya u soo sharxay inay ku loolamaan.

Beesha Caalamka oo wakiiladeeda ay ku dhex milan yihiin arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda u muuqata in doorashada 2016 ay ka muhiimsan tahay qoondada haweenka, taasoo caddeyn u ah doodii culimada ee ahayd in arrinta haweenka ay wataan dalal reer Galbeed ah

Shalay ayay ahayd in la doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka, laakiin waxaa muuqata dib u dhac kale ku imaan doono doorashada 2016.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON