Thursday, June 26, 2025

Beesha Caalamka oo War Degdeg ah ka soo saartay Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Beesha caalamka ee ku lugta leh arrimaha Soomaaliya ayaa war degdeg ah ka soo saartay doorashada madaxweynaha Galmudug ee berri ka dhaceysa magaalada Cadaado.

“Beesha caalamka ee United Nations, African Union, European Union, Intergovernmental Authority on Development, Ethiopia, Italy, Sweden, United Kingdom and the United States waxay si dhow ula socdaan xaaladda Galmudug waxayna dhiirigelinayaan tallaabooyinkii wanaagsanaa ee la qaaday toddobaadyadii ugu danbeeyay oo wadahadal dib u heshiisiin ah la furay” ayaa lagu bilaabay qoraalka beesha caalamka.

Wahadalka ayay beesha caalamka sheegay inuu muhiim u yahay in la gaaro dib u heshiisiin, doorashooyin loo dhan yahay iyo dhismaha mamau; sal-ballaaran, taasoo lagama maarmaan u ah nabadgelyada iyo sharciyadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Waxay beesha caalamka  sheegtay inay ka xun tahay inay wadahadalkii istaagay, waxayna ugu baaqday dhinacyada inay si daacadnimo ku jiro u sii wadaan waanwaanta, si loo gaaro maamul loo dhan yahay. Waxay kaloo beesha caalamka ugu yeertay labada dhinac inay ka gaabsadaan wax waliba oo wax u dhimi kara dib u heshiisiinta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON