Wednesday, June 25, 2025

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay khilaafka Siyaasadeed ee ka Qaraxday Barlamanka & Xukuumadda [Akhriso]

Beesha caalamka ayaa caawa war kasoo saartay xaaladda siyaasadeed iyo qalalaasaha ka dhashay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan.

Qoraal ay soo saareen Q/Midoobay, Midowga Afrika Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, UK iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay inay si weyn uga walaacsan yihiin xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee kasoo cusboonaaday Muqdisho, taasoo meesha ka saari karta horumarkii dhibka badan laga soo maray ee laga gaaray siyaasada, dhaqaalaha iyo arrimaha amniga, burburna ku keeneysa sumcadii Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay dhowraan sharciga iyo dastuurka dalka u yaalla, kuna xaliyaan khilaafaadkooda siyaasadeed.

Qoraalka  Beesha Caalamka ayaa lagu yiri: “Waa ina laga fogaadaa dhaqdhaqaayada kordhin kara xiisadda ee keeni kara qalalaase, wax kastoo ay  tahayba. Waxaana Baarlamaanka iyo  xukuumadda loogu baaqay inay si degan arrimahooda u xalistaan, iyadoo la bogaadiyey dhinacyo waanwaan wada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON