Wakiilada Beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya ayaa Qoraal kasoo saaray xaaladda cudurka saf mareenka ah ee Coronavirus, iyagoo sheegay inay dowladda Soomaaliya ku bogaadinayaan dadaallada ay ku dooneyso iney ku xakameyso in cudurka COVID-19 si uusan dalka ugu baahin.
“Waxaan ognahay in faafista viruska corona uu yahay caqabad caalami ah, waana mid ay tahay inaan dhammaanteen si wadajir ah u waajahno. Jawaabtaasi waa mid u baahan midnimo iyo in colaadda iyo rabshadaha aan meel iska dhigno,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka oo soo xigtay baaqii ka soo baxay xogahayaha guud ee Q/Midoobay ee ku saabsanaa xabad joojin guud oo dunida ka dhacda.
“Waxaan ugu baaqeynaa Al-Shabaab iyo kooxaha kale iney joojiyaan rabshadaha, iyo ficillada argagixinimo si loo suurtogeliyo in gargaarku uu gaaro kuwa u baahan,” ayaa lagu yiri qoraalka oo dalabkii koowaad loogu diray Alshabaab.
Beesha caalamka ayaa ugu yeertay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu in si aan daahis lahayn ay dib u bilaabaan wadahadalkii iyo wada-shaqeyntii si danaha guud lmeel looga soo wada jeesto, loona wajaho halista Coronavirus.
“Dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Baaralmaanka waa unay sii wadaan howlahooda muhiimka ah, iyagoo adeegsanaya haddii loo baahdo kulanka Khadka Internet-ka..” ayaa lagu yiri qoraalka oo si toos ah ugu socday madaxda dowladda iyo maamullada dalka.
Waxaa kaloo qoraalka Beesha caalamka loogu baaqay Mas’uuliyiinta maamullada dalka iyo milkiilayaasha dhulka ay degan yihiin dadka Barakacayaasha ah inay joojiyaan in dadkaasi laga saaro xeryaha ay deggan tihiin xilligan uu jiro faafitaanka cudurka COVID-19.
Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay qorshaha loo diyaariyey ka jawaabidda cudurka Coronavirus, waxaana beesha caalamka loogu baaqay inay taageero dhaqaale siiso qorshahaasi.