Monday, June 23, 2025

Beesha H/Gidir oo isku maandhaafsan Go’aankii ay ka qaadan lahayd dowladda Farmaajo & Kheyre

Odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha H/Gidir oo shirar is daba joog ah ku lahaa Muqdisho ayaan wax go’aan ah ka gaarin tallaabada ay ka qaadanayaan dowladda madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Kheyre.

Shirarkii ugu danbeeyay ayaa waxaa soo kiciyay kiisas ay ku lug yeesheen mas’uuliyiin ku abtirsada beesha oo ay ka mid yihiin agaasimihii guud ee Wasaaradda warfaafinta iyo hantidhowrka guud, kuwaasoo xilalkooda waayay, loona heysto arrimo musuq iyo dembi.

Beelaha qaarkood ayaa diidan in kalsoonida lagala noqdo, halka beesha Sacad oo ugu cadcad in tallaabo adag laga qaado dowlada Farmaajo ay dhibaato ku noqotay inay hesho taageerada beesha H/Gidir inta aysan raadin mid hawiye.

Dadaalka ugu weyn ee beesha ayaa hadda noqday kiisaska ku furan Hanti dhowka xilka laga qaaday Nuur Faarax Jimcaale iyo Agaasimihii warfaafinta C/risaaq Bahlaawi lasoo afjaro oo aan dembiyo kale oo ka baxsan in xilalka laga qaaday aan loo raacan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON