Kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen waxgarad iyo nabadoonno ka tirsan beesha H/Gidir ayaa baaq loogu diray madaxda dowladda Federaalka.
Qoraal laga soo saaray kulankaasi ayay beesha H/Gidir uga digtay in la fuliyo xukunka dilka ah ee lagu riday askariga dilay Wasiir Cabbaas Siraaje, waxayna ka digeen haddii la dilo askariga in wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha ay qaadi doonaan qaar ka mida madaxda sare ee dowladda Federaalka.
Odayaasha beesha ayaa sheegay xukunka la siyaasadeeyay, isla markaana loo diiday inay la xaajoodaan beesha uu ka dhintay wasiirka, waxayna caddeeyeen in xukunka lagu riday aan marna lagu kalsoonaan karin oo uu yahay cadaalad darro, dilkuna u dhacay si kama’ ah.
Goobjooge