Monday, June 30, 2025

Beesha Murusade oo laga xaal mariyey khalad ay ka sheegteen Beelaha H/Gidir & Abgaal [Akhriso]

Beesha Murusade oo ka mida beelaha waaweyn ee Hawiye ayaa laga xaal mariyey cabasho ay ka gudbiyeen labada beelood ee H/Gidir iyo Abgaal, tasoo ka danbeysay Falkii lagu weeraray Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Labada beelood ee H/Gidir iyo Abgaal ayaa isku koobay u doodista siyaasiga iyo olole ay nabadoonoo uu hoggaamiyo Imaam Maxamed Yuusuf u qaadeen sidii dowladda Soomaaliya u sii deyn lahayd siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Odayaasha & Waxgaradka beesha Murusade ayaa Imaam Maxamed Yuusuf gaarsiiyay cabasho  ku saabsan in labada beelood gooni ula baxeen arrin ay ahayd mid ka wada dhaxeysa beesha Hawiye oo dhan oo ay ka dhigaan mid Hiraab quseysa, iyagoo su’aal la keenay sidii ay odayaasha labada beelood arrinta u maareeyeen, balse waxay ogolaadeen inay xaal marin bixiyaan.

Beesha Murusade ayaa dhinaceeda xaal ka bixisay inay kasoo xaadirin dhibaatadii ka dhacday Guriga C/raxmaan Shakuur iyagoo xil iyo xaal ka bixiyey arrintaas, waxaana halkaasi lagu gaaray muwaafaqo.

Kulan Muqdisho ka dhacay ayaa la sheegay in Imaam Maxamed Yuusuf iyo odayaasha kale ay bixiyeen raaligelin ku saabsan cabashada sidii loo maareeyay arrinta ka dhacday Guriga C/raxmaan C/shakuur.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON