Sunday, June 22, 2025

Beesha Ninkii Gubay Xaaskiisa oo ka hor yimid Maxkamadda Gobolka Banaadir

Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Reer Xaaji Saleebeen oo uu kasoo jeedo Sayid Cali Macalin oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisa ayaa si weyn u dhaliilau qaabka Maxkamadda Gobolka Banaadir u qaaday kiiska.

Odayaal caan ah, culimaa’udiin iyo waxgarad kala duwan ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado, iyagoo sheegay in si aan habooneyn loo galay dacwadda loo heysta Sayid-Cali, isla markaana ay u muuqdaan in la siyaasadeeyay dacwadda.

Odayaasha ayaa dhaliilay in ehelada eedeysanaha loo diiday fadhigii Maxkamadda iyo in Caruur yaryar la keeno Maxkamadda, sidoo kalena Markhaatiyaashii la keenay aysan ahayn munaasib, waxayna ku eedeeyeen Garsoorka inuu raacayo waxyaabaha Baraha bulshada ka socda.

Ad

Odayaasha Beesha Xaaji Saleebaan waxay maxkamadda Gobolka Banaadir ku eedeeyeen ku takri-fal awood, iyadoo ku dooday inuu kaliya wax ku xukumo shareecada, balse aysan ogoleyn in qodobo lagu war-wareego.

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo la sugayo go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ka qaadan doonto kiiskan oo maqalkiisa lasoo gabagabeeyay, mana cadda in Beeshan ay diidi doonto go’aanka soo socda ee Maxkamadda G/Banaadir.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON