Wararka laga helayo magaalada Cadaado aya sheegaya in beesha Saleebaan ee H/Gidir ay isaga baxeen maamulka Galmudug.
Nabadoono iyo Waxagarad ak tirsan beesha Reer Xaaji Saleebaan oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa shaaciyey inay ka tageen, kana baxeen maamulka Galmudug, isla markaana aanay ka mid ahayn maamulka Galmudug laga bilaabo maanta.
Shirka jaraa’id ayaa lagu sheegay inay xadkooda xirteen oo aanay u soo geli karin mas’uuliyiinta Galmudug, waxayna go’aankooda ogeysiiyeen beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii in muddo ay soo jiitameysay cabashada ku saabsan maamulka Galmudug, iyagoo sabab uga dhigay:
1- Inay madaxdii Galmudug jebiyeen Dastuurkii lagu dhisay.
2- In aasaasayaashii 11-ka ahaa ee Galmudug oo wax talo ah looga diiday maamulka
3- In la jebiyay Qodobadii dhexdhexaadinta ee madaxweynaha Soomaaliya ku heshiisiiyey
4- Rugta Ganacsiga oo Cadaado lag dhigay in loo wareejiyay Dhuusamareeb
5- Inay wax jawaab ah ka waayeen beelihii kale ee dhistay maamulka Galmudug.
Arrimahaas darteed ayay odayaasha Beesha Xaaji Saleebeen sheegeen inay u qaadaceen, kana baxeen maamulka Galmudug, ayna ka xiran tahay Galmudugta cusub ee ay sheegeen inaysan wax shaqo ah ku lahayn.