Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Beesha Mareexaan ee Gobolka Gedo ayaa isku raacay inay ka qeyb galaan shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee ka furmaya Magaalada Kismaayo sida uu sheegay Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo bishii Ogost tegay magaalada Kismaayo.
Arrintan ayaa lagu go’aamiyay shirar Muqdisho uga socda beeshan oo ay uga doodayeen khilaafka kala dhaxeeya maamulka Jubba oo ku baaqay in magaalada Kismaayo uu ka furmayo 7-da bisha Novembar. Maxamud Sayid Aadan ayaa sheegay in dood dheer kadib ay siyaasiyiinta iyo Waxgaradka gobalka Gedo isla garteen in wadahadal lagu dhameeyo khilaafaadka jira, siwadajir ah looga wada qeybgalo shirka Kismaayo.
Shirka Kismaayo ee maamulka Axmed Madoobe uu soo qabanqaabiyay ayaa keenay in dib loo dhigo magacaabidii Golaha wasiirada maamulka Jubba oo muddo saddex bilood ah laalan, waxaan rajo laga qabaa in shirka Kismaayo lagu soo gabagabeeyo muranka ka taagan awood qeybsiga Jubbooyinka.
Goobjooge.com