AShirkii Beesha Xawaadle ee magaalada Nairobi aya laa so osaarya 15 Qodob oo ah Go’aannada Shirweynaha kasoo baxay, kuwaas oo ku saabsan xaaladda siyaasadda iyo Amniga degaanada Beesha, kuwaasoo quseeya Maamulka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka.
Waxay beesha saluug ka muujisay inaysan miisaankii siyaasadeed ku lahayn xilalka dowladda Federaalka, iyadoo sheegay in xilalka ay beeshu ka hayso dowladda dhexe ay ka hooseyso miisaanka beesha, uguna baaqay Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya inay si deg deg ah u saxaan arrintaas.
Shirka oo ay ka qeyb galeen Siyaasiyiinta, haweenka, dhallinyarada iyo waxgaradka Beesha Xawaadle ayaa go’aaniadda kasoo baxay waxay kala yihiin:
1. Shirweynuhu wuxuu ka tacsiyeynayaa dadkii faraha badnaa ee ku geeriyooday halganka looga soo horjeedo Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan iyo gobollada kale ee dalka. Wuxuu Allah uga baryayaa inuu siiyo naxariistiisa janno, islamarkaasna uu samir iyo iimaan ka siiyo qaraabada iyo asxaabta ay ka geeriyoodeen.
2. Shirweynuhu wuxuu bogaadinayaa ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada xoreynta deegaanka ee Macawisleey oo kaalin dahabi ah ka galay dib-u-xoreynta gobolka iyo dalka. Wuxuuna Shirweynuhu ugu baaqayaa dowladda Federaalka ah in ciidamada xoreynta deegaanka “Macawiisleey” ay u sameyso qorshe deg deg ah oo ay uga mid noqon karaan qaybaha kala duwan ee ciidanka qalabka-sida ama shaqo abuur kale.
3. Shirweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la laba-laabo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, lagana saaro meelaha harsan ee gobolka Hiiraan iyo dalka intiisa kale.
4. Shirweynuhu waxa uu isla-qaatay in ay beeshu hormuud ka noqoto dhab-u-heshiin ballaaran oo ka dhacda gobolka Hiiraan iyo deriskaba. Siyaasiyiinta, haweenka, dhallinyarada iyo waxgaradka shirweynaha ka qeyb-galay waxa ay ugu baaqayaan beelaha gobolka Hiiraan iyo deriskaba nabad, heshiis, wada-noolaansho iyo walaalnimo.
5. Shirweynuhu waxa uu u aqoonsaday halyeeyadii hoggaaminayay halganka ee ku geeriyooday dagaalka xoreynta inay yihiin geesiyaal baal dahab ah ka galay taariikhda gobolka iyo dalkaba. Wuxuuna ku baaqayaa shirku in dadka ay ka mid yihiin Nabadoon Cilmi Hagar Guure iyo Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan Tuure iyo qaar kale oo badan loogu magac-daro goobaha dadweynaha si loo xusuusto.
6. Shirweynuhu wuxuu u aqoonsaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jeyte Cismaan, inuu yahay halyeey ku suntan hormuudka halganka la-dagaallanka al-Shabaab. Wuxuuna shirweynuhu ku bogaadinayaa kaalintii mugga lahayd ee hoggaamineed ee uu ka qaatay, welina uu ka wado la dagaallanka kooxda Khawaarijta ee al-Shabaab.
7. Shirweynuhu wuxuu aqoonsaday kaalintii weyneyd ee ay haweenka beesha Xawaadle ka qaateen halganka lagula dirirayo Al-Shabaab. Wuxuuna ku baaqayaa inay haweenku qeyb ka noqdaan siyaasadda iyo horumarka gobolka iyo dalka.
8. Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dowladda dhexe in ay siiso muhiimad xasilinta goobaha laga saaray Al-Shabaab, ayna si deg deg ah ugu sameeyso maamul, ciidamo booliis ah iyo maxkamado ka shaqeeya nabadda iyo caddaaladda goobahaas.
9. Shirku wuxuu ugu baaqayaa qeybaha kala duwan ee beesha Xawaadle, beelaha gobolka, qurbajoogta, ganacsatada iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, inay ka qeyb-qaataan gurmadka dadka ku dhibaatoobay dagaallada.
10. Shirweynaha Beesha Xawaadle wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka in ay si deg deg ah u dhisto goobihii ay dumiyeen argagixisadu, sida xarunta Gobolka, Buundada Buula Barde, xarunta degmada Maxaas iyo goobaha kale ee la midka ah.
11. Shirweynaha Beesha Xawaadle waxa uu isla gartay in deg deg lagu dhisay maamulka Hirshabelle, ayna saluugsanaayeen wadada loo maray, iyada oo aan heshiis laga ahayn. Sidaa darteed, Shirweynuhu wuxuu ku baaqayaa inay Dowladda Federaalku dib ugu noqoto qaab-dhismeedka Dowlad-gobolleedka Hirshabelle iyo awood qeybsiga, waxaana Shirweynuhu dalbanayaa in si deg deg ah ay Dowladda dhexe u saxdo.
12. Shirweynuhu wuxuu isla-gartay in metelaadda iyo xilalka ay beeshu ka hayso dowladda dhexe ay ka hooseyso miisaanka beesha. Wuxuuna ugu baaqayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya inay si deg deg ah u saxaan arrinkan.
13. Shirweynuhu wuxuu go’aamiyey in loo baahan yahay guddi-marjic ah oo aan ahayn guddi siyaasadeed. Waxaana lagu dhisi doonaa shirweynaha labaad ee ka dhici doona gobolka Hiiraan, iyadoo lala tashanayo siyaasiyiinta metala beesha.
14. Shirweynaha Beesha Xawaadle waxa uu ku baaqayaa in colaadda ka aloosan magaalada Laas Caanood si deg deg ah loogu dhameeyo nabad iyo wadahadal, loona gurmado dadka ku barakacay dagaalkaas.
15. Shirweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo furay Shirweynaha, kuna baaqay cafis guud oo beesha gudaheeda iyo dhammaan beelaha deegaanka, isla markaana ka duceeyey, soona gebagabeeyay Shirweynaha.
16. Waxaa mahad gaar ah iska leh Allaah (SWT) oo suurageliyey qabsoomidda Shirweynaha, waxaana ka baryaynaa Allaah inuu nagu guuleeyo dagaalka al-Shabaab iyo horumarinta Gobolka iyo guud ahaan dalka.
