Tuesday, June 24, 2025

Belgium oo safiir cusub u soo magacawday Soomaaliya & Madaxweynaha oo qaabilay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Belgium wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Roxane de Bilderling.

Madaxweynaha ayaa Danjiraha u ballanqaaday in si buuxda ay Dowladda Soomaaliya ula shaqeyn doonto, uuna ku faraxsan yahay doorka Belgium-ka ee arrimaha Soomaaliya.

Danjire de Bilderling ayaa sheegtay in dalkeeda oo xubin ka ah Midowga Yurub uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Dowladda Belgium waxay ballanqaadday inay Soomaaliya kala shaqeyn doonaan arrimo badan sida amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Hassan-Belguim1

Hassan-Belguim

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON