Tuesday, June 24, 2025

Bisad loo xukumay magdhow lacageed oo u dhow Hal Milyan oo Doolar

Bisad sawirkeeda loo isticmaalay xayaysiin ayaa maxkamad ku taalla Gobolka California ee Dalka Mareykaka u xukuntay lacag dhan $710,000 doolar oo magdhow ah, kadib markii sida la sheegay shirkadda sawirka isticmaashay ay ku xad gudubtay heshiis horay u dhacay.

Shirkadda mas’uulka ka ah mukulaasha oo lagu magacaabo Gruspy Cat Limited ayaa dacwad ku oogtay shirkadda samaysa bunka la cabbo taas oo markii hore lagula heshiiyay in sawirka Bisadda ay u isticmaasho bunka qaboow oo kaliya, balse waxa ay u isticmaashay alaabo kale oo dheeraad ah.

Mukulaashan oo lagu magacaabo Tardar Sauce ayuu sawirkeeda aad u baahay sanadkii 2012-kii , waxaana aad loola dhacay shucuurta murugada leh ee wajigeeda ka muuqda.

Sanadkii 2013-kii shirkadda waxyaabaha la cabbo ee Grenade Beverages oo ay wada leeyihiin wiil iyo aabihiis oo kala ah Nick iyo Paul Sandford ayaa qoyska mukulaasha leh la galay heshiis ku kacaya $150,000 doolar si sawirkeeda layaabka leh loogu dhajiyo bunka ay shirkadooda samayso.

Shirkadda Grenade ayaa iyaduna dhankeeda ka furatay dacwad ka dhan ah qoyska mukulaasha, waxayna ku eedeysay in sidii lagu heshiiyay dhankooda aysan kasoo bixin waxyaabaha qaar.

Mukulaasha oo 6 sano jir ah ayaa mulkiile ka ah shirkad magaceeda lagu qorey, iyo waliba agab kale. Waxaa xitaa jira aflaam ay jishey mukulaasha, iyo bandhigyo taleefishin oo ay kasoo muuqatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON