Friday, April 19, 2024

Biyaha Badweynta India ee Xeebaha magaalada Muqdisho oo la sheegay inay Sumeysan yihiin

Gudoomiyaha Hay’adda Cilmi baarista Badaha Soomaaliya  Admiral Faarax Axmed Cumar (Qare) ayaa sheegay in Byaha Badda Xeebaha Muqdisho aanan wanaagsaneen oo ay sumeysan yihiin.

Wuxuu sheegay in Sambalo laga qaaday oo lagu soo baaray Sheybaar ku yaalla dalka Kenya lagu ogaaday in Biyaha Dekeda Muqdisho iyo Xeebaha ka agdhaw ay yihiin kuwa sumeysan oo halistooda leh.

Faarax Qare oo la hadlayay mid ka mida idaacaddaha Muqdisho ayaa sheegay in sababta sumeysan Biyaha Badweynta India ee Xeebaha Muqdisho loo maleynayo inay yihiin Maraakiibta Qashinka ku daadiya Biyaha Soomaaliya iyo Dhiigga Xoolaha la qalo oo lagu shubo.

Ad

Admiral Faarax Qare ayaa sheegay in Sanaadiiq waaweyn oo ay ugu shakiyeen inay sun ku jirto lagu daadiyay Xeebaha Soomaaliya. Si gaar ah waxa uu sheegay in bartamihii Todobaadkii tegay in Kunteenarkii 25-aad lagu arkay Dekeda Ceel Macaan, kasoo hirarka Biyaha ay banaanka usoo saareen.

Wuxuu sheegay inay Madaxda Dowladda kala hadleen sidii loo heli lahaa qalab casri ah oo lagula socda biyaha Soomaaliya, si wax looga qabtana ay u baahan ahay kharash loo qoondeeyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON