Sunday, July 13, 2025

Boob & Bililiqo ka socda Magaalada Jigjiga iyo Amnigii oo faraha ka baxay [Muuqaalladii ugu dambeeyay]

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Jigjiga ayaa sheegaya inay xaaladda faraha ka baxday, iyadoo boob xoog leh iyo bililiqo ay ka socdaan magaalada, kadib markii saaka ay ciidamada milateriga Itoobiya galeen magaalada xarunta u ah is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa la soo weriyay qas weyn oo ka taagan magaalada iyo amnigii oo faraha ka baxay, waxaana la gubay Kaniisadii magaalada, iyadoona la boobay xarumn ganacsi, bankiyo iyo xafiisyadii dowladda Itoobiya ee magaalada Jigjiga.

Dad ayaa la sheegay inay qalalaasaha ku dhaawacmeen iyadoo muuqaalo baraha bulshada la baahiyey ay muujinayaan bililiqo baahsan oo ka dhacday magaalada iyo bannanbaxyo ay wadaan taageerayaasha madaxweynaha degaankaasi Cabdi Maxamud Cumar.

Bannaabaxyada iyo qalalaasaha ayaa ku sii fidaya magaalada Dhagaxbuur oo la sheegay inay xaalad kacsan ka jiro.

HOOS KA DAAWO MUUQAALADII UGU DANBEEYAY

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON