Waxaa maanta booqday degmada Dayniile madaxda Taliska Booliska G/Banaadir iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyagoo tegay dhismaha Cusboole oo ahaa xabsi muran badan ka taagnaa oo maamulka degmada Deyniile lagu eedeeyay inuu dadka ku ciqaabo.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ay la socdeen Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Geybta Galbeed G/Dhexe Yuusuf Xundubeey ayaa kormeeray Xarumaha Booliiska ee Degmada Deyniile, waxayna si gaara u tageen saldhiga loo yaqaano Cusboole.
Gudoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa warbxiin ka siiyey mas’uuliyiinta qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha Cusboole iyo waxa lagu qabto, kadibna waxaa taliska Booliska uu ciidamo geeyay xabsigaasi, kuwaasoo la wareegay, kana howlgeli doona.
Xeer ilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in laga bilaabo maanta ay xabsigaasi la wareegeen kana howlgeli doonaan Ciidamada Booliiska, wuxuuna intaasi ku daray in la baari doono tacaddiyadii la sheegay in ay halkaasi ka dhaceen; wuxuuna uga digay Maamullada Degmooyinka inay isticmaalaan awood ka baxsan mas’uuliyaddooda.


