Booliska dalka Sacuudi Carabiya ayaa baaraysa gabar soo bandhigtay muuqaal ay iska soo duubtay iyadoo xiran dhar gaaban oo haweenka reer galbeedku xirtaan.
Gabadhu markii ay muuqaalkan iska duubtay waxay ku sugnayd meel aan gurigeeda ahayn, waxaana la sheegay inay tahay goob taariikhi ah oo u dhow magaalada Riyaad.
Gabadhan oo lagu magacaabo “Khulood” oo ah dadka dharka xayaysiiya ayaa dadka la wadaagtay muuqaalkan oo ay iska soo duubtay iyada oo maraysa qalcadda taariikhiga ah ee Ushayqir.
Muuqaalkan ayaa dhaliyay dood kulul oo ay dadku ku wadaageen baraha bulshada, iyadoo qaar ka mid ah dadku ay ku baaqeen in la xiro maadaama oo ay jabisay shuruucda adag ee labiska ee ka jira dalkaas Muslimka ah. Qaar kale oo ka mid ah dadka Sacuudiga ayaa ammaanay “geesinimada” gabadha.
DAAWO
هذي أسمها مودل خلود بالقرية التراثية في مدينة أشيقر بالسعودية ، بعض الناس تشوفه (حياة طبيعية) والبعض الآخر يشوفه (عهر، وفجور) …!! pic.twitter.com/ObqEo8dKGN
— خالد عبدالعزيز???????? (@KHALED_Z_KSA_24) July 16, 2017