Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa raadinaya gabar yar oo la sheegay in la tuhusan yahay in laga afduubtay magaalada Muqdisho.
Wuxuu Boolisku raadinayaa Maryan C/qaadir Cali-Nuur oo 14 sano jir ah, taasoo Talaadadii laga afduubtay suuqa Bakaaraha, agagaarka Carwo Liimoon, degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
“Waxaa la baadigoobaya MARYAN CABDULQADIR CALINUUR, 14 jir ah oo 2 cisho ka hor la tuhmaayo in laga afduubtay degmada Howlwadaag gaar ahaan suuqa Bakaaro agaarka Carwo Liimoon. Bulshada Soomaliyeed waxaa ka codsaneenaa inay nala baadigoobaan Maryan wixii maclumaad ah ku soo hagaan boliiska iyagoo wacaaya numberka 991..” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiya Xuseen.

