Sunday, February 5, 2023

Baraha Twitter-ka mas’uuliyiin, Shirkado & Shaqsiyaad caan ah oo la jabsaday (Yaa ka mida?)

Olole weyn oo burcadnimo dhinaca Internet-ka ayaa xalay saameyn weyn ku yeeshay baraha ay Twitterka ku leeyihiin mas’uuliyiin iyo shaqsiyaad caan ah oo Mareykanka u dhashay.

Twitter-ka ayaa sheegay inuu baarayo sida loo jabsaday baraha shakhsiyaadka ugu caansan Mareykanka, kuwaas oo ay qabsadeen tuugo la rumeysan yahay inay beegsadeen dadka ka shaqeeya twitter-ka si ay taas ugu guuleystaan.

Qoraallo la isku dayey in dadka lagu weydiisto inay soo diraan lacagaha digital-la ee loo yaqaan cryptocurrency ayaa lasoo dhigay cinwaanada twitter ee shirkado ay ka mid yihiin:

  • Apple
  • Binance
  • Coinbase
  • Coindesk
  • Gemini
  • Uber
  • Jeff Bezos, Madaxa shirkadda Amazon
  • Kanye West,
  • Bill Gates, Madaxa Microsoft
  • Elon Musk, madaxa Tesla iyo SpaceX
  • Joe Biden, Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Dimoqraadiga 2020
  • Barack Obama, madaxweyne hore
  • Warren Buffett, Maalqabeen
  • Michael Bloomberg, maalqabeen iyo musharax hore ee madaxweyne
Ad

“Waxaan ogaanay wax aan rumeysannahay inay yihiin weeraro isku xiran oo ay qaadeen shakhsiyaad beegsaday qaar ka mid ah shaqaalaheena si ay u usoo galaan habka twitter-ka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay twitter.

“Waxay awood u yeesheen inay la wareegaan cinwaanada dad baan oo caan ah,” ayuu intaas ku daray qoraalka Twitter-ka.

Qaar ka mid ah qoraallada dadka lagu qiyaameynayey oo markii dambe la tiray ayaa dadka lagu weydiistay inay 30 daqiiqo gudahood kusoo diraan 1,000-dollar oo lacagta bitcoin ah, si ay u helaan laba jibaar taas.

- Advertisement -

12.58 bitcoin – oo u dhigantay 116,000 dollar – ayaa lagu diray emaillada lagu qeexay qoraallada dadka lagu qiyaameynayey, sida uu sheegay website-ka Blockchain.com, oo la socda is-weydaarsiga lacagaha crypto.

“Waxa uu ahaa maalin aad ugu adag twitter,” ayuu qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri Jack Dorsey, oo ah madaxda shirkadda twitter.

Cinwaanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ay ku xiran yihiin 83 milyan oo qof, kama mid ahayn kuwa la jabsaday.

Twitter ayaa markii dambe ku guuleysatay inay dib usoo celisay cinwaanada la jabsashaday, hase yeeshee waxaa weli socda baaritaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!