Booliska Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku howlgalaya diayaradaha is-wada ee loo yaqaan Drone-ka, si ay ula socdaan qaraxyada.
Deeq ka kooban 5 diyaaradaha Drone-ka ah oo ku jiraan qaar awood u leh inay habeenkii wax arkaan ayaa la siiyay Booliska Soomaaliyeed, waxayna ka timid shirkadda So Bancroft, Mareykan ah oo dowlada Mareykanka qandaraas uga heysata tababarka iyo qalabeynta Ciidamada Booliska Soomaalida.
Shrikadan ayaa soo iibisay diyaaradahan keligood is-wada, waxaana tababar dhowr maalmood qaatay ay u qabatay saraakiil Soomaali ah si ay u adeegsadaan diyaaradaha oo ay sameysay shirka Shiinees ah.
Diyaaradaha is-wada ee Drone-ka ayaa loo adeegsan doonaa howlgallada lagu baacsanayo Alshabaab iyo ka daba tagga weerarrada ay ka geysteen magaalada.
Goobjooge.com