Sunday, June 22, 2025

Booliska Uganda oo Xog yaab leh ka bixiyey Qaraxyadii Kampala: 3 Is-miidaamiye oo is qarxiyey & Mid kale..

Booliska dalka Uganda ayaa faahfaahin iyo xog yaab leh ka bixiyey qaraxyo maanta ka dhacay bartamaha magaalada Kampala ee caasimadda dalkaasi.

Booliska magaalada Kampala ayaa sheegay in labadii qarax ee ka dhacay Kampala ay ka dhaceen ka kala dhaceen Bar koontarool oo Booliska ku lahaayeen xarunta Dhexe ee Booliska iyo wadadda Baarlamaanka.

Qaraxyada ayaa waxaa fuliyey saddex qof oo ismiidaamiyeyaal ahaa, kuna dhintay qaraxyada.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in saddex qof oo reer Uganda ah la xaqiijiyay inay dhinteen, 33 qof ookalena ay dhaawacmeen, inkastoo tirada dhimashadu ay ka badan karto inta la sheegay ilaa hadda.

Ad

Shan ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladoodu aad u liidataa, sida uu sheegay taliyaha Booliska Kampala Fred Enanga. Mr.Enanga oo wariyaasha kula hadlay Kampala ayaa sheegay in weerarka xarunta Booliska uu fuliyay mid ka mida dadka isku soo xiray walxaha qarxa kaas oo ay qabatay kaamirada CCTV isagoo sita boorso ka hor inta aanu qarxin.

Weerarka wadada ee Baarlamaanka ayaa waxaa isna fuliyay labo ruux oo is-miidaamiyeyaal ahaa oo watay labo mooto oo Dhugdhugley ah nooca dalkaasi looga yaqaan Boda Boda.

Booliska ayaa sheegay in ninkii afraad ee doonayey iinuu is-qarxiyo oo lagu daba jiray la qabtay, laguna xiray degaanka Bwaise, oo ku yaalla duleedka Kampala, kadib markii ay toogteen oo ay naafeeyeen ciidamada dambi baarista.

- Advertisement -

Bambooyin aan qarxin ayay Boolisku ka heleen goobo ka mida caasimadda Kampala, gaar ahaan Guriga ninka la qabtay; waxayna dadka loogu baaqay inay feejignaadaan, iyadoo ay socdaan baaritaannada iyo raadinta dadka laga shakisan yahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON